Wednesday, April 22, 2026

Masar iyo Sacuudiga oo diiday in la kala qeybiyo Soomaaliya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Masar iyo Sacuudi Carabiya, Badr Abdel Atty iyo Faisal bin Farhan, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Qaahira mar kale ku celiyay mowqifka adag ee labada dal ay ka taagan yihiin taageerada midnimada, madaxbannaanida iyo amniga dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka kaddib, labada wasiir waxay si cad u diideen isku day kasta oo lagu kala qaybinayo Soomaaliya ama wax loogu dhimayo madax-bannaanideeda iyo wadajirka dhuleed, iyagoo carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya tahay dal leh hal qaranimo oo aan la taaban karin.

Dowladaha Sacuudi Carabiya iyo Masar ayaa sidoo kale soo saaray bayaan wadajir ah oo si ballaaran loogu faaqiday xaaladda guud ee gobolka, gaar ahaan arrimaha amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Labada dal waxay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta gobonnimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo si cad u diiday faragelin kasta oo shisheeye.

Masar iyo Sacuudiga waxay isku raaceen inaan la aqbali karin wax kasta oo khatar ku ah amniga iyo xasilloonida dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen.

Kulankan ayaa loo arkaa mid fariin iyo jawaab u ah dalalka doonaya inay kala qeybiyaan Soomaaliya.

Labada dal ayaa xilligan wada olole diblomaasiyadeed oo xooggan oo lagu ilaalinayo midnimada Soomaaliya, isla markaana lagu doonayo in meesha looga saaro aqoonsiga ay Tel Aviv siisay Somaliland, oo ay ku tilmaameen mid ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah.

Mowqifkan mideysan ee Masar iyo Sacuudiga ayaa imanaya xilli Masar ay billowday taageero milatari oo toos ah oo ay siiso Soomaaliya, halka Sacuudiguna uu safka hore kaga jiro taageerada siyaasadeed iyo midda diblomaasiyadeed ee lagu ilaalinayo midnimada dalka, arrintaas oo si weyn u beddeshay miisaanka loolanka mandiga siyaasadeed ee Geeska Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sheekh Shariif oo caawa kulan xasaasi ah la leh xildhibaano ka tirsan BFS

Mucaaradka oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee dalka Shariif...

Booliska G/Baay oo mamnuucay in hub lagu wato Baydhabo

Hay’adaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray Berdaale

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in muddo xileedka dawladdu uu yahay 5 sano

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

Mucaaradka oo kulamo xasaasi ah la leh culimada Soomaaliyeed

Siyaasiinta mucaaradka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles