Garsoore heer federaal ah oo Mareykan ah ayaa si ku meel gaar ah maamulka Trump uga hor istaagay in ciidamo Ilaalada Qaranka ah laga diro Texas iyo California, ilaa iyo Portland, Oregon.
Go’aanka goor dambe oo Axaddii ah soo baxay ayaa yimid ka dib markii isla maxkamaddu ay diiday isku daygii Trump ee ahaa in xubnaha Ilaalada Qaranka ee Oregon la geeyo Portland.
Portland waa magaaladii ugu dambaysay ee Dimuqraadigu aqlabiyad ahaan ku badabn yahay ee lala beegsado qayb ka mid ah isku dayga madaxwaynuhu ku doonayo in uu wax kaga qabto waxa uu ku sheegay dambiyada faraha ka baxay, iyada oo ay jiraan mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo dhaqangelinta socdaalka ee maamulkiisa.
Trump ayaa sidoo kale oggolaaday in ciidamo Ilaalada Qaranka ah oo laga keeno gobolada kale la geeyo Chicago, Illinois.


