Wednesday, August 19, 2026

Mucaaradka oo ka horyimid Hanaanka ay DF u wajahday xulista xubnaha guddiga madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka ayaa si kulul uga soo horjeestay hannaanka Dowladda Federaalka u wajahday xulista xubnaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka.

Madasha ayaa ku eedeysay dowladda inay baal martay habraacyada dastuuriga ah iyo kuwa sharciga, gaar ahaan qodobada 41aad iyo 111B ee Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah iyo Sharciga Lr. 16 ee 2016.

War-saxaafadeed ay soo saareen Madasha ayaa lagu sheegay in xulista xubnaha Guddiga ay ahayd in lagu saleeyo hannaan hufan, daahfuran, kana madax bannaan faragelin siyaasadeed, balse hadda ay muuqato in Guddiga loo adeegsanayo dano gaar ah. Waxa ay sidoo kale xuseen in Villa Somalia ay si cad uga dhex muuqato faragalinta geeddi-socodka xulista.

Madasha waxay ka digeen in haddii aan dib loo sixin hannaanka loo marayo xulista, ay dhaawac weyn soo gaari karto kalsoonida shacabka iyo hay’adaha garsoorka, iyadoo meesha laga saarayo madax-bannaanida Guddiga.

Madasha Samatabixinta waxay ku baaqday:

1.In si degdeg ah loo hakiyo magacaabista guddiga ilaa la hubiyo in loo marayo waddo sharci ah oo waafaqsan dastuurka.

2.In Madaxtooyada iyo Xukuumadda ay faraha kala baxaan xulista guddiga.

3.In muwaadiniinta Soomaaliyeed ee leh karti, sumcad iyo hufnaan loo furo fursado ay ugu tartamaan xubnaha guddiga si daahfuran oo horyaalla warbaahinta.

4.In beesha caalamka, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha xuquuqul insaanka ay feejignaadaan si looga hortago guddiga cusub inuu noqdo mid loogu talagalay dano gaar ah.

Ugu dambeyn, waxay ugu baaqeen dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, bulshada rayidka, suxufiyiinta, iyo beesha caalamka in si feejigan loogu kuur-galo hanaanka xulista Guddiga, lana xaqiijiyo in la raacayo Dastuurka iyo Sharciga Lr. 16.

 

WARARKII KALE

Koofur Galbeed oo soo bandhigtay maxaabiis lagu qabtay dagaalkii Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku soo...

Gaadiid Dhuxul Siday oo Lagu Gubay Waddada Wanlaweyn iyo Afgooye

Wararka laga helayo waddada isku xirta Wanlaweyn iyo Afgooye...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles