Mucaaradka oo ka horyimid Hanaanka ay DF u wajahday xulista xubnaha guddiga madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka ayaa si kulul uga soo horjeestay hannaanka Dowladda Federaalka u wajahday xulista xubnaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka.

Madasha ayaa ku eedeysay dowladda inay baal martay habraacyada dastuuriga ah iyo kuwa sharciga, gaar ahaan qodobada 41aad iyo 111B ee Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah iyo Sharciga Lr. 16 ee 2016.

War-saxaafadeed ay soo saareen Madasha ayaa lagu sheegay in xulista xubnaha Guddiga ay ahayd in lagu saleeyo hannaan hufan, daahfuran, kana madax bannaan faragelin siyaasadeed, balse hadda ay muuqato in Guddiga loo adeegsanayo dano gaar ah. Waxa ay sidoo kale xuseen in Villa Somalia ay si cad uga dhex muuqato faragalinta geeddi-socodka xulista.

Madasha waxay ka digeen in haddii aan dib loo sixin hannaanka loo marayo xulista, ay dhaawac weyn soo gaari karto kalsoonida shacabka iyo hay’adaha garsoorka, iyadoo meesha laga saarayo madax-bannaanida Guddiga.

Madasha Samatabixinta waxay ku baaqday:

1.In si degdeg ah loo hakiyo magacaabista guddiga ilaa la hubiyo in loo marayo waddo sharci ah oo waafaqsan dastuurka.

2.In Madaxtooyada iyo Xukuumadda ay faraha kala baxaan xulista guddiga.

3.In muwaadiniinta Soomaaliyeed ee leh karti, sumcad iyo hufnaan loo furo fursado ay ugu tartamaan xubnaha guddiga si daahfuran oo horyaalla warbaahinta.

4.In beesha caalamka, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha xuquuqul insaanka ay feejignaadaan si looga hortago guddiga cusub inuu noqdo mid loogu talagalay dano gaar ah.

Ugu dambeyn, waxay ugu baaqeen dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, bulshada rayidka, suxufiyiinta, iyo beesha caalamka in si feejigan loogu kuur-galo hanaanka xulista Guddiga, lana xaqiijiyo in la raacayo Dastuurka iyo Sharciga Lr. 16.

 

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles