Thursday, June 19, 2025

Puntland oo si adag ugu hortimid shirka uu Iclaamiyay MW Xasan Sheekh

Xukuumadda Puntland ayaa si cad u sheegtay in aysan ka qeyb geli doonin shirka uu dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ilaa iyo inta Villa Somalia ka laabaneyso isbeddelladii lagu sameeyay dastuurka dalka.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe  ayaa sheegay in Puntland ay mowqif cad ka taagan tahay arrimaha dastuurka, islamarkaana aysan aqbali doonin wax ka beddel lagu sameeyo dastuurkii lagu heshiiyay ee dalka, iyada oo aan la helin wadatashi qaran iyo heshiis cusub oo dhammaan dhinacyada Soomaalida ay ku mideysan yihiin.

“Dowladdu ha xaqiiqsato in mudda-xileedkeedu gebogebo yahay, waxaana loo baahan yahay in laga wada hadlo doorasho la isla oggol yahay, iyadoo lagu saleynayo dastuurkii lagu heshiiyay ee hore. Dastuur beddel la iska rabo in lagu kororsado mudda-xileed doorasho laguma geli karo,” ayuu yiri Wasiir Dirir.

Isagoo ka falcelinayay warqaddii casuumaadda Shirka ee ka timid Madaxtooyada Qaranka, ayuu Wasiir Caydiid tilmaamay in warqaddaasi aysan caddeyn cidda si rasmi ah loogu casuumay iyo cidda laga tagay, taasoo uu ku tilmaamay mid “isku dhex karis ah”.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wada-hadal qaran oo salka ku haya heshiis iyo dastuur mideysan, balse aysan aqbali doonin isbeddello ku yimaada hanaanka dastuuriga ee dalka iyadoo aan la helin wakiillada dhammaan maamul-goboleedyada iyo qeybaha kale ee bulshada.

Hadalkan kasoo baxay Puntland ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo jahawareer siyaasadeed oo ku saabsan isbeddelada dastuuriga ah, qorshaha doorashada, iyo xiriirka dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada.

Puntland ayaa muddooyinkii dambe si adag uga soo horjeeday wax ka beddelka dastuurka, iyada oo ku doodeysa in arrimaha noocaas ah ay u baahan yihiin wadatashi qaran, oo ay qeyb ka yihiin dhammaan maamul-goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Israa’iil oo dil ugu hanjabtay hoggaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei

Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in hoggaamiyaha sare ee...

DFS oo sheegtay in muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed laga soo qaaday dalka Iiran lana geeyay dalka Turkiga

Howlwadeennada Safaarada JFS ee wadanka Turkiga ayaa goor dhawayd...

Warmurtiyeed maanta laga saarayo shirka gogosha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho

Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha  Soomaaliya...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku weeraray deegaan hoostaga Ceelbuur

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in...

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil...

Puntland oo ka hortimid shirka ka socda Muqdisho iyo weerar afka ah oo ay ku qaadeen RW Xamsa

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta warbaahinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles