Tuesday, May 19, 2026

Puntland oo si adag ugu hortimid shirka uu Iclaamiyay MW Xasan Sheekh

Xukuumadda Puntland ayaa si cad u sheegtay in aysan ka qeyb geli doonin shirka uu dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ilaa iyo inta Villa Somalia ka laabaneyso isbeddelladii lagu sameeyay dastuurka dalka.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe  ayaa sheegay in Puntland ay mowqif cad ka taagan tahay arrimaha dastuurka, islamarkaana aysan aqbali doonin wax ka beddel lagu sameeyo dastuurkii lagu heshiiyay ee dalka, iyada oo aan la helin wadatashi qaran iyo heshiis cusub oo dhammaan dhinacyada Soomaalida ay ku mideysan yihiin.

“Dowladdu ha xaqiiqsato in mudda-xileedkeedu gebogebo yahay, waxaana loo baahan yahay in laga wada hadlo doorasho la isla oggol yahay, iyadoo lagu saleynayo dastuurkii lagu heshiiyay ee hore. Dastuur beddel la iska rabo in lagu kororsado mudda-xileed doorasho laguma geli karo,” ayuu yiri Wasiir Dirir.

Isagoo ka falcelinayay warqaddii casuumaadda Shirka ee ka timid Madaxtooyada Qaranka, ayuu Wasiir Caydiid tilmaamay in warqaddaasi aysan caddeyn cidda si rasmi ah loogu casuumay iyo cidda laga tagay, taasoo uu ku tilmaamay mid “isku dhex karis ah”.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wada-hadal qaran oo salka ku haya heshiis iyo dastuur mideysan, balse aysan aqbali doonin isbeddello ku yimaada hanaanka dastuuriga ee dalka iyadoo aan la helin wakiillada dhammaan maamul-goboleedyada iyo qeybaha kale ee bulshada.

Hadalkan kasoo baxay Puntland ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo jahawareer siyaasadeed oo ku saabsan isbeddelada dastuuriga ah, qorshaha doorashada, iyo xiriirka dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada.

Puntland ayaa muddooyinkii dambe si adag uga soo horjeeday wax ka beddelka dastuurka, iyada oo ku doodeysa in arrimaha noocaas ah ay u baahan yihiin wadatashi qaran, oo ay qeyb ka yihiin dhammaan maamul-goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa...

DFS oo la safatay Sacuudiga, kana hadashay weerarkii lagu qaaday

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay isku...

Maxaa Ka Jira Khilaafka u Dhexeeya Maxkamadda Sare iyo Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya?

Waxaa cirka isku shareeray jahwareerka siyaasadeed ee hareeyay Dowlad...

Golaha wasiirada oo isku raaci waayay dhaqan gelinta Dastuurka ay ansixisay DFS

Golaha wasiirrada xukuumadda oo shalay yeeshay kulan deg-deg ah,...

Beesha Caalamka iyo Mucaaradka oo Xalane ku kulmaya

Xubnaha Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles