Sunday, February 22, 2026

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika iyo dilalka oo kordhay

Wararka naga soo gaaraya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in ganacsade Soomaaliyeed, Shool Mohamed Cadde, lagu dilay dukaan uu ku lahaa xaafad ka tirsan degmada Philippi ee magaalada Cape Town, gobolka Western Cape.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in burcad hubeysan ay dukaanka soo galeen xilli uu marxuumku ku guda jiray howlahiisa ganacsi, islamarkaana ay rasaas ku fureen, taasoo sababtay geeridiisa halkaas ku timid. Dableydaas ayaa sidoo kale dilay wiil Malawian ah oo ka mid ahaa shaqaalaha dukaanka.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, ma jirin wax dhac ah oo burcadda u geysteen dukaanka, taas oo muujineysa in weerarka uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay. Kooxdii falka geysatay ayaa goobta ka baxsatay ka hor inta aysan imaan ciidamada booliska ee Koonfur Afrika, kuwaas oo markii dambe gaaray goobta dilka.

Dhacdadan ayaa qayb ka ah falkii ugu dambeeyay ee dilal iyo weerarro joogto ah oo lagu bartilmaameedsanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Koonfur Afrika, gaar ahaan gobolka Western Cape, halkaas oo ay Soomaalidu si weyn ugu tiirsan yihiin ganacsiga dukaamada yaryar iyo midda tafaariiqda.

Sanadihii la soo dhaafay, waxaa sii kordhay rabshadaha iyo nacaybka ka dhanka ah muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo la kulmaya dilal, dhac, boob iyo gubitaan hanti, iyadoo inta badan aan wax tallaabo ah laga qaadin dambiilayaasha geysta falalkaasi.

Illaa hadda dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin dhacdadan, sidoo kalena lama hayo wax qorshe ah oo muuqda oo ay dowladdu kula xisaabtamayso ama kala hadleyso dowladda Koofur Afrika si loo ilaaliyo nolosha iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool halkaas.

Bulshada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa marar badan dalbaday in la qaado tallaabooyin amni iyo diblomaasiyadeed, si loo joojiyo silcinta, weerarada iyo dilalka joogtada ah ee ay la kulmaan, balse weli wax isbeddel ah laguma arkin xaaladda amni ee ay wajahayaan ganacsatada Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta soo gabagabeeyay cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas...

Shirkii Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo markale ka qabsoomaya Villa Somalia

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta...

Taliban oo digniin culus dirtay

Pakistan ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay “toddobo goobood iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles