Friday, July 10, 2026

MW Xasan Sheekh oo garawshiyo ka bixiyay wixii ku dhacay dadka Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxda Dowladda kala qeybgalay munaasabadda bilowga Todobaadka Xoriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska 65-aad ee miro-dhalka halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay halyeeyadii gobollada waqooyi ee horseeday xoreynta iyo midnimada, isagoo sheegay in bulshadaas ay door wanaagsan ka qaateen garashada in xorriyaddu aysan ahayn oo kaliya ka tagista gumeystaha, balse ay ka dhigan tahay xaqiijinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Halyeeyadaasi waxay na dhaxalsiiyeen xorriyad iyo midnimo isku sidkan oo ay wax badan ugu hureen si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo taabbo gal ah. Taariikhda mar walba way xusi doontaa doorkooda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhaawacyo siyaasadeed ay soo gaareen dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo salka ku hayay kalitalisnimo, ku-tagrifal awoodeed iyo maamul-xumo, waxa uuna muujiyay garawsho la xiriirta wixii dhacay taariikh ahaan, isagoo adkeeyay sida ay lagama-maarmaan u tahay in mar kale la hello midnimo dhab ah.

“Waan aaminsanahay in xornimadeenna aysan kaamil noqon doonin ilaa aan mar kale mideyno qalbigeenna iyo qaddiyaddeenna. Jidka kaliya ee aan u marayno waa wada-hadal iyo walaaltinimo”.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa intaasi hadalkiisa sii raaciyay “”Waa in aynu wada garowsannaa wixii dhacay, kana faa’iidaysannaa casharradii hore si aan u dhisno dowladnimo hufan, midnimo qaran, iyo mustaqbal aan uga tagno jiilasha soo socda,”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha  ayaa bogaadiyay taageerada caalamiga ah ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, waxa ku baaqay in la sii xoojiyo dadaallada lagu gaari karo nabad, barwaaqo iyo is-afgarad waara.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Isgaarsiinta oo Geneva kaga qaybgalay shir looga hadlayo horumarinta Dhijitaalka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya iyo Mauritania oo kala saxiixday heshiisyo Muhiim ah

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

M/weyne Xasan Shiikh oo ka qeybgalaya tababar loo soo xiray saraakiil cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Kuuriyada Waqooyi oo xoojinaysa nukliyeerkeeda iyo ciidamadeeda

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in dalkaasi uu...

Toogasho ka dhacday meel u dhow goobta lagu aasay hoggaamiyihii hore ee Iiraan

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles