Wednesday, April 22, 2026

Warsaxaafadeed laga soo saaray shirkii Garoowe ugu Socday Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa war-murtiyeed ay saaka ku soo saareen magaalada Garoowe si adag ugu dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku eedeeyay ku tagrifalka awoodaha Federaalka si loo cabburiyo dowlad-goboleedyada aan la aragti ahayn Villa Soomaaliya.

Puntland iyo Jubbaland waxay si gaar ah uga cawdeen maamulka hawada Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay si sharci-darro ah ugu takri-fashay awoodaha maamulka hawada. Waxay intaa ku dareen inay cabashadooda si rasmi ah ugu gudbiyeen hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan arrimaha duulista rayidka ah.

Deni iyo Axmed Madoobe waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen wax kasta oo kasoo baxay isbeddelka lagu sameeyay dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka, iyagoo ku adkaystay in isbeddel kasta uu ku imaan karo oo kaliya wadatashi iyo heshiis qaran. Waxay soo dhoweeyeen dadaallada Madasha Samatabixinta Qaranka, oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah ee Soomaaliya.

Deni iyo Axmed Madoobe waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen wax kasta oo kasoo baxay isbeddelka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, iyagoo adkeeyay in isbeddel kasta lagu hirgelin karo oo kaliya wadatashi qaran iyo heshiis ballaaran.

Labada hoggaamiye waxay si buuxda u taageereen dadaallada Madasha Samatabixinta Qaranka oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah, kuwaasoo u ololeynaya doorasho hufan, waqtigeeda ku dhacda, loona dhan yahay.

Sidoo kale Labada madaxweyne oo saakay war-murtiyeed ka soo saaray magaalada Garowe, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si toos ah ula macaamilaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga gaarayo heshiis dhammeystiran oo ku saabsan qeybsiga kheyraadka dalka.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in haddii laga dhega-furo baaqyadooda, dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay qaadan doonaan go’aanno ku saleysan dastuuradooda u gaarka ah, si ay u difaacaan awoodahooda iyo madax-bannaanidooda maamulka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sheekh Shariif oo caawa kulan xasaasi ah la leh xildhibaano ka tirsan BFS

Mucaaradka oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee dalka Shariif...

Booliska G/Baay oo mamnuucay in hub lagu wato Baydhabo

Hay’adaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray Berdaale

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in muddo xileedka dawladdu uu yahay 5 sano

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

Mucaaradka oo kulamo xasaasi ah la leh culimada Soomaaliyeed

Siyaasiinta mucaaradka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles