MW Xasan Sheekh oo la filayo inuu tago Sacuudiga iyo Villa Somalia oo hoos u dhigtay xiriirka Imaaraadka

Waxaa saaka gabi ahaanba istaagtay shaqadii dekedda magaalada Boosaaso, kaddib markii shaqada laga joojiyay shaqaalaha muruq-maalka (xoog-xaraashka) ee ka howlgala dekedda, taas oo ay maamusho shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Shaqaalaha muruq-maalka ayaa sheegay in DP World iyo maamulka dekedda ay si buuxda u diideen in ay gudaha u soo galaan dekedda, taas oo keentay in shaqadii dekeddu istaagto saaka, isla markaana ay xirmato gebi ahaanba. Shaqaalahan ayaa ahaa kuwo nolol-maalmeedkooda ka raadsan jiray dekedda, kuna tiirsanaa shaqada maalinlaha ah.

Shaqaalaha ayaa sidoo kale ka cabanaya amar cusub oo ay DP World saaka soo rogtay, kaas oo faraya dhammaan shaqaalaha dekedda in ay soo iibsadaan dhar shaqo oo gaar ah oo laga doonayo in lagu shaqeeyo wixii hadda ka dambeeya, iyadoo qiimaha dharkaasi ay yihiin kuwa qaali ah.

Arrintan ayaa si weyn u saameysay shaqaalaha muruq-maalka, kuwaas oo sheegay in aysan awoodin bixinta lacagtaas, maadaama ay yihiin shaqaale maalin-joog ah. Waxay sidoo kale xuseen in aysan xiran karin koofiyadaha iyo qalabka kale ee la farayo, maadaama ay yihiin xamaali alaabta madaxa ku qaada, isla markaana cimilada kulul ee Boosaaso aysan u sahlayn isticmaalka dhar iyo qalab culus.

Qaar kamid ah shaqaalaha dekedda ayaa saaka la hadlay warbaahinta, iyagoo si adag u cambaareeyay tallaabada lagu joojiyay shaqadooda, waxayna ka digeen in arrintan ay keeni karto kacdoon shaqaale, qalalaase iyo dhibaato nololeed haddii aan xal degdeg ah laga gaarin.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay DP World ama maamulka dekedda Boosaaso, balse xaaladda dekedda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo la filayo in saacadaha ama maalmaha soo socda ay arrintan ka dhalan karaan tallaabooyin kale oo ay qaadaan shaqaalaha shaqada laga joojiyay.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles