Tuesday, February 24, 2026

Puntland oo diiday in doorashada Federaalka lagu qabto Sool

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga soo horjeesatay jadwalka doorashada ee uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo lagu sheegay in doorashooyin laga qabanayo magaalooyinka Laascaanood, Xudun, Taleex, Buuhoodle iyo degmooyin kale oo ay Puntland ku tilmaantay in ay ka tirsan yihiin dhulkeeda.

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in aysan jirin cid awood u leh inay doorasho ka qabato deegaanadaas, maadaama ay weli si sharci ah uga mid yihiin Puntland. Puntland waxay ku doodday in tallaabadan ay tahay faragelin ka baxsan awoodda dowladda federaalka, isla markaana aysan waafaqsanayn nidaamka federaalka ee dalka.

Sidoo kale, Puntland waxay arrintan ku tilmaantay kala qaybin bulsho iyo tallaabo khatar ku ah midnimada dadka deegaanka, iyadoo xustay in ay sii hurin karto khilaafaad hore u jiray. Waxa kale oo ay sheegtay in jadwalkan doorasho uu si cad uga hor imanayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan qodobada qeexaya awood-qaybsiga iyo xuduudaha dowlad-goboleedyada.

Ugu dambeyn, Puntland waxay ugu baaqday dowladda federaalka iyo guddiga doorashooyinka in ay dib u eegaan go’aankan, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabooyin hal dhinac ah oo dhaawici kara wada-jirkii siyaasadeed iyo xasilloonida dalka.

WARARKII KALE

Maamulka Waqooyi Bari oo fariin adag u diray Puntland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo...

Golaha Mustaqbalka iyo Xildhibaanada mucaaradka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Xalay magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay xildhibaano ka...

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Maxaas

Diyaarado dagaal ayaa saaka duqaymo xoogan ka fuliyay degmada...

Shiinaha oo hub ka iibiyay Iran

Safaaradda Shiinaha ee Israel ayaa sanadkii hore beenisay warbixinno...

Maxaa ka cusub Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee la afduubtay degmada Buula-burde?

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xubno ka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles