Friday, March 13, 2026

Puntland oo Faahfaahin Ka Bixisay Baaxadda Dhulka Ay Kooxda Daacish Gacanta Ku Hayso

Puntland ayaa markii ugu horreysay faahfaahin rasmi ah ka bixisay baaxadda dhabta ah ee dhulka ay gacanta ku hayso kooxda Daacish, taasoo muddooyinkii dambe dagaallo culus la galeysay ciidamada maamulkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso, ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Daacish ay hadda gacanta ku hayso dhul kooban oo aan ka badnayn 15km. Wasiirka ayaa xusay in kooxdu ay ku harsan tahay goobo xaddidan oo ay ciidamada Puntland wadaan qorsheyaal lagu cirib tirayo.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalyahannada Daacish ay ku dhuumaaleysanayaan dhul buuraley ah, balse ay ciidamada Puntland qorsheynayaan in 10 maalmood gudahood lagu soo afjaro dagaalka ay kula jiraan.

“Haddii laga saaro masaafo dhan 15km, ma jiri doonto meel ay dib ugu laabtaan, waxaana suurtagal ah in gebi ahaanba meesha laga saaro,” ayuu yiri Wasiirka. Wuxuu xusay in haddii laga saaro dhulka buuraleyda ah, dagaalkooda uu noqon doono mid aad u sahlan, maadaama aysan heli doonin goobo kale oo ay gabaad ka dhigtaan.

Dhulka ay hadda kooxda Daacish gacanta ku hayso, ayuu Wasiirka ku sifeeyay buuro iyo togag, kuwaasoo haddii laga saaro aysan jirin meel ay ku hakadaan.

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay haatan ku dhowdahay guul ka gaarista dagaalka ka dhanka ah Daacish, isla markaana ay ka go’an tahay in ay kooxdaasi meesha ka saarto.

Ciidamada Puntland ayaa maalmahan dambe fulinayay howlgallo ballaaran, kuwaasoo la doonayo in lagu dhameystiro dagaalka lagula jiro kooxaha Daacish, si loo xaqiijiyo amniga deegaanada Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo saldhig ciidan ka dhisaysa meel u dhow Berbera

Warbixin uu qoray wargeyska Bloomberg ayaa sheegay in Israel...

Booliska Buurtinle oo qabtay khamri, hub,gaadiid iyo Raggii watay

Ciidanka Booliska ee degmada Buurtinle ayaa hawlgal gaar ah...

Xasan Sheekh, Geelle iyo Abiy oo ku kulmay Jabuuti, maxay ka wadahadleen?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kaga...

Farmaajo oo cambaareeyay xarigga loo geystay dhalinyarada bajaajta ee Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Iran oo laga cabsi qabo inay weerarto gudaha Mareykanka

FBI-da ayaa uga digtay booliska gobolka California suura-galninada weeraro...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles