Puntland oo shgeegtay inay Madaafiic ku garaacday fariisimo Daacish ku sugnayd

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in xalay uu dagaal culus dhex maray ciidamada difaaca Puntland iyo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish, kaasi oo ka dhacay deegaano istiraatiiji ah oo ku yaalla dhulka buuraleyda ah.

Sida ay ilo wareedyo kala duwan xaqiijiyeen, ciidamada ammaanka Puntland ayaa fuliyay duqeymo xooggan oo lagu bartilmaameedsaday fariisimaha Daacish, iyagoo si gaar ah u beegsaday goobaha ay kooxdaasi ku dhuumaaleysaneysay.

Ciidamada ku sugan deegaanka Haraaryo ee togga Jeceel ayaa la sheegay inay madaafiic culus ku garaaceen xarumo ay Daacish ku lahayd nawaaxiga Qurac, halkaas oo ay horay ugu xoogeysteen xubnaha kooxdaasi.

Duqeymaha ayaa sababay in dagaalyahannada Daacish ay isaga baxaan goobihii ay horay ugu sugnaayeen, iyagoo ku firxaday dhulka buuraleyda ah. Wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in khasaaro lixaad leh uu gaaray Daacish, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarka.

Ciidamada Puntland ayaa saaka bilaabay baaritaanno miino-baaris ah, si loo xaqiijiyo in goobaha la qabsaday aysan weli halis ku jirin. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in dagaalku uu yahay mid qayb ka ah howlgal ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayo Daacish si looga xoreeyo deegaannada ay ku sugan yihiin.

Puntland ayaa ku jirta marxalad adag oo dagaalka ka dhanka ah Daacish uu galay wajigiisii ugu cuslaa, waxaana dagaalka hadda si toos ah uga socda dhulka buuraleyda ah ee Bari, halkaas oo kooxda Daacish ay muddooyinkii u dambeeyay isku uruursatay.

Sarkaal ka tirsan ciidanka difaaca Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in duqeymaha cirka iyo kuwa dhulka ah ay sii socon doonaan, inta laga ciribtirayo kooxaha Daacish.

WARARKII KALE

RW Xams oo kulan la qaatay dhiggiisa Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa...

Guddoomiye Jaamac oo kulan la qaatay Xildhibaanada Soomaaliya ku metela Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)...

DF oo shaacisay in la dilay mid ka mid ah hoggaamiyaasha Sare ee Al-Shabaab

Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyo saaxiibbada caalamiga...

Sacuudiga oo Soomaaliya dib ugu soo celiyay qaxooti Soomaali ah oo Yemen ku noolaa

Xarunta Gargaarka iyo Gurmadka Boqor Salmaan (KSrelief) ayaa Soomaaliya...

Safiirkii Itoobiya u fadhiyey Soomaaliya oo dalkiisa dib ugu laabtay

Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya, Suleiman Dedefo, ayaa ka baxay...

Iiraan oo war ka soo saartey cunaqabateynta Maraykanka iyo xannibaadaha marinka Hormus

Dowladda Iiraan ayaa ballan-qaadday inay sii wadi doonto ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles