Ugu yaraan seddex qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, seddex kalena way ku dhaawcmeen kaddib markii uu qarax ka dhacay suuq ku yaala xaafadda Buundaweyn ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dad goobjoog ah ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa nooca dhulka lagu aaso, waxana uu dhacay xili dad badan ay joogeen suuqa.
Sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Beledweyne Cumar Cismaan Calasow, wuxuu qaraxu ka dhacay meel ah makhaayad.
Wuxuu eedda dusha ka saaray ururka Al Shabaab, waxayna wararku sheegayaan in aysan jirin cid loo soo qabtay.