Thursday, April 9, 2026

R/wasaaraha Itoobiya oo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Federaalka Ethiopia, Mudane Abiy Axmed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay maanta uga bilaabatey Soomaaliya.

Safarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah isku soo dhowaanshaha iyo bogga cusub ee u furmaya labada dal, dhanka Iskaashiga, is-qaddarinta iyo in gobolka xasilooni lagu soo dabbaalo, kadib hal sanno oo xiriirka labada dal ay caqabado hareeyeen.

Bishii December ayaa Ethiopia si rasmi ah uga noqotey heshiiskii mugdiga dhex dhigay xiriirka labada dal, kadib markii magaalada Ankara ay ku kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, halkaasna lagu gaarey Baaqii Ankara.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho ay ka tarjumeyso isku soo dhowaanshaha labada dal iyo dhabbada cusub ee la qaadey ee ku dhisan iskaashi iyo xiriir ku dhisan horumarka dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in labada hoggaamiye ay yeelan doonaan wadahadal la xiriira xoojinta iyo iskaashiga labada dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo war ka soo saaray heshiiska uu la galay Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo Jimcaha soo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey ayaa soo...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo sharci darro ku tilmaamay Kursiga Wasiir Jaamac

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ka kala...

Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay Mudug

Diyaarado dagaal ayaa xalay saqdii dhexe duqeymo culus ka...

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Ciidamada Jubaland iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles