Ruushka ayaa mar kale qaaday weerar culus oo ka dhan ah dhowr magaalo oo waaweyn oo Ukraine ah. Mas’uuliyiinta caasimadda Kyiv ayaa sheegay in nidaamyada difaaca cirka ay shaqaynayeen, isla markaana diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo Ruush ah ay duqeeyeen degmooyin dhowr ah.
Duqa magaalada, Vitalii Klitschko, oo qoraal ku daabacay baraha bulshada, ayaa sheegay in magaalada ay ku jirto weerar ballaaran oo cadownimo ah.
Maamulka milatariga ee Kyiv ayaa sheegay in weerarradu ay sababeen dab ka kacay ugu yaraan laba goobood.
Magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine, Kharkiv, diyaarado aan duuliye lahayn oo Ruush ah ayaa weeraray degmooyin dhowr ah, iyaga oo duqeeyay ugu yaraan saddex dhisme oo dad deggen yihiin. Duqa magaalada ayaa sheegay in ugu yaraan 11 qof ay ku dhaawacmeen.


