Wednesday, February 25, 2026

RW hore Saacid oo ka digay muddo kororsi uu sameysto MW Xasan Sheekh

War qoraal ah oo ka soo baxay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacad ayaa waxaa uu ka hadlay shirkii golaha wadatashiga Qaranka ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

“Dawladda Federaalka ah (DFS), waxa ay ka il-duuftay in ay, ugu yaraan, xubnaha dawlad-goboleedyada dalka sida dowlad-goboleedyada Puntland, Jubaland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabeelle, SSC-Khaatumo iyo Maamulka Gobolka Benadir ay si siman ugu casuunto oo hubiso ka soo qayb-galkooda shirka Golaha Wada-tashiga Qaran. Xaqiijinta hawshaasi weli waa gudboon tahay oo mudnaan sare ayey leedahay.”ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale Saacad ayaa waxaa uu intaasi ku daray qoraalkiisa “Waxaan adkeyneyaa muhiimadda ay leedahay in doorashooyinka dalka laga gaaro heshiis wadar-ogol ah oo ku saabsan habraaca iyo qabsoomidda doorashooyinka dalka si aysan kooxina uga gaari karin go’aan u gaar ah.Sidoo kale, waa in laga fogaado wax kasta oo keenaya muddo-kororsi ama sababi kara khilaaf siyaasadeed oo hor leh.”

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay burburka ku yimid shirkii ay kula jireen Mucaaradka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamtay isku...

Maamulka Waqooyi Bari oo fariin adag u diray Puntland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo...

Puntland oo diiday in doorashada Federaalka lagu qabto Sool

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga soo horjeesatay jadwalka...

Golaha Mustaqbalka iyo Xildhibaanada mucaaradka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Xalay magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay xildhibaano ka...

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Maxaas

Diyaarado dagaal ayaa saaka duqaymo xoogan ka fuliyay degmada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles