Sunday, February 9, 2025

Saraakiil tegay Fariisimaha Ciidanka Xoogga ee Shabeellaha dhexe

Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa safar kormeer ah ku tagey gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay si qoto dheer u baareen xaaladda saldhigyada ciidanka ee ku yaal gobalkaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Janeraal Sahal Cabdullahi Cumar, oo hoggaaminayey wafdiga, ayaa xaqiijiyey in socdaalkiisu uu salka ku hayo dardar-gelinta iyo xoojinta dagaalka lagu jiro Al-Shabaab ee dalka ka jira.

Ujeedada socdaalka ayaa ahayd in la kormeero saldhigyada ciidanka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana Taliyaha iyo saraakiisha la socday ay booqdeen saldhigyo muhiim ah oo ku yaal deegaanka Garsaalo, oo hoos taga degmada Jowhar.

Taliska ciidanka iyo saraakiisha kale ee goobta ka hawlgala ayaa kulan muhiim ah la qaatay ciidanka xoogga iyo hoggaamiyeyaasha sare ee goobta.

Taliyaha ayaa si gaar ah u amray in la sii xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo carrabka ku adkeeyey in ciidanka ay sii wadaan dadaallada lagu doonayo in dalka looga saaro.

Guutooyinka 3-aad iyo 25-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo si weyn ugu hawlan howlgallada, ayaa Taliyaha ku soo dhaweeyey deegaanka Garsaalo, waxaana uu ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen hawlgallada ka socda gobolka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA,...

Dowladda Soomaaliya oo Aroos Dhigaysa Lammaane Katirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku guurinaysa lammaane mid ka...

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay shir Muhiim Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xamaas oo maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah

Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 07/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles