Tuesday, August 18, 2026

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay Guddiga Madax Bannaan ee doorashooyinka Qaranka, kana mid ahaa Ururada Siyaasadeed ee lagu casuumay gogosha uu fidiyay Madaxweynaha ayaa soo saaray war saxaafadeed ay uga hadlayaan mowqifkooda ku aadan gogoshaas.

Ururradan siyaasadeed oo kala ah Xaqsoor, Samadoon, DPC, Ramaas iyo Dhulka Hooyo oo ay hoggaamiyaan Wasiiro hore ayaa waxay war saxaafadeedkooda ku sheegeen inay si taxadar leh u soo dhoweynayaan gogosha uu fidiyay Madaxweynaha JFS, waxay tibaaxeen si ay gogoshaas u noqoto mid najaxda oo abuuri karta jawi kalsooni leh oo dalka u horseedi karta natiijo lagu naalloon karo ayaa waxay soo jeediyeen qodobadan:

  1. In Madaxweynuhu bayaamiyo in gogoshani tahay madal wada-xaajood siyaasadeed oo rasmi ah, una dhaxeysa dowladda iyo ururrada mucaaradka ah, yoolkeeduna yahay helitaanka waddo la isku raacsan yahay, loogana baxo cakirnaanta siyaasadeed ee la xiriirta dastuurka iyo doorashooyinka dalka.
  2. In la dhiso guddi farsamo oo isku dhaf ah oo diyaariya ajandaha, muddada, habraaca iyo ka qaybgalayaasha gogosha. Guddigan waa inuu ka koobnaadaa dowladda iyo ururrada mucaaradka ah.
  3. In Madaxweynuhu kala saaro qodobbada isku loollanku ka jiro (sida doorashooyinka iyo dastuurka) iyo kuwa la isku waafaqsan yahay (sida la dagaallanka argagixisada iyo midnimada dalka), si looga baaqsado jahawareerinta ajandaha gogosha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles