Shaqaale Israa’iiliyiin ah oo lagu toogtay Washington

Laba shaqaale oo ka tirsan safaaradda Israa’iil ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa xalay lagu toogtay meel u dhow matxafka yahuudda oo ku yaala magaaladaas.

Labada qof ee Israa’iiliyiinta ahaa lammaane, ayaa la toogtay xili ay ka soo baxayeen xaflad ka dhaceysay madxafka oo looga hadlayay sida loo caawin lahaa dadka reer Qasa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta magaaladaas.

Waxaa gacanta lagu soo dhigay nin looga shakisanyahay inuu ka dambeeyay dilka, kaas oo lagu sheegay Elias Rodriguez oo 30 sano jir ah.

Weerarka ayaa dhacay markii labada shaqaale ay ka soo baxayeen munaasabad ay soo qabanqaabisay Guddiga Yuhuudda ee Maraykanka (AJC). Dadka la dilay waxaa la sheegay inay ahaayeen lammaane dhalinyaro ah oo qorsheynayay inay is guursadaan.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka hadlay labada qof ee ka tirsanaa safaaradda Israa’iil, kuwaas oo lagu toogtay meel u dhow madxafka Israa’iil ee magaalada Washington.

Trump ayaa cambaareeyay dhacdada, wuxuuna sheegay in toogashadan tahay “mid aad u murugo leh” isla markaana si cad ugu saleysan “nacaybka yahuudda”.

“Nacaybka iyo xagjirnimada boos kuma laha gudaha Mareykanka.” ayuu Trump ku yiri qoraal uu so dhigay Social truth, oo ah barta uu aasaasay.

Waxaa uu dhanka kalena tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha falkaas

Labada qof ee la dilay ayaa ahaa lammaane qorsheynayay inay is guursadaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles