Safaaradda Shiinaha ee Israel ayaa sanadkii hore beenisay warbixinno ay soo saareen warbaahinno dibadeed oo sheegayey, in Iran ay heshay nidaamka gantaallada difaaca cirka ee masaafada dheer ee HQ-9B oo ka yimid Shiinaha.
Warbaahinta ku hadasha afka Ingiriiska ee ku taal magaalada London ee Middle East Eye, ayaa 7-dii July 20125-kii soo warisay, iyadoo tixraacaysa sarkaal Carbeed oo aan la magacaabin oo sheegtay inuu helay xog muujinaysa, in nidaamyada gantaallada cirka ee ay soo saartay Shiinaha loo geeyay Iran, kadib markii la shaaciyey heshiiska hakinta weerarrada ee Iran iyo Israel 24-kii Juun, in Maraykanku iyo xulafadiisa Carabtu ay “ogaayeen” dadaallada difaaca cirka ee Tehran.
Si looga falceliyo warbixintaas, Safaaradda Shiinaha ee Tel Aviv ayaa u sheegtay wargeyska Israel, Hayom, in waxa laga sheegay warbixinta uu yahay “mid aan sax ahayn.”
Safaaraddu waxay adkaysay in “Shiinuhu si adag uga soo horjeedo faafinta hubka wax dila iyo nidaamyadaas ba, isla markaana uu si joogto ah u xoojinayo awooddiisa la dagaallanka faafinta hubka.”
Israel Hayom ayaa soo xigtay hadalka Safaaradda Shiinaha oo leh, “Shiinuhu marnaba kama iibiyo hub waddamo ku hawlan dagaal, wuxuuna si adag u xakameeyaa dhoofinta waxyaabaha khuseeya hubka.
Anagoo ah xubin joogta ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Shiinuhu wuxuu qaataa hab feejigan oo mas’uuliyad ku saleysan marka la dhoofinayo saanad milatari.”
Si kastaba ha noqotee, marnaba lama daabicin bayaan rasmi ah oo ay ku jiraan weedhahan, oo ka soo baxay barta rasmiga ah ee safaaradda Shiinaha ama warbaahinta dowliga ah ee dalkaas.
Warbaahinta caalamka ayaa xiligaas si weyn u hadal-haysay wararka sheegaya ,in Iran dib u bilowday wadahadalladii ay ku doonaysay inay ku iibsato diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha loona yaqaan J-10C, kuwaas oo indhaha dunida soo jiitay kadib markii ay si fiican uga soo muuqdeen isku dhacyadii u dhexeeyay Pakistan iyo Hindiya.
Wargeyska Tsingtao Daily ee ka soo baxa Hong Kong ayaa 27-kii Juun daabacay warbixin ku saleysan taariikhda arrintan, isagoo xusay in Shiinaha iyo Iran dhowr jeer ku guuldareysteen inay heshiis ka gaadhaan arrintan muddo 20 sano ah.
Wasaaradda Difaaca ee Shiinaha ayaa bixisay jawaab guud oo aan magacaabin Iran, iyadoo sheegtay in “dowladda Beijing ay qaadatay mowqif taxaddar leh oo mas’uuliyad leh marka ay timaado iibinta agabka milatari ee dibadda,” ayna diyaar u tahay inay la wadaagto horumarka ay gaartay dhanka qalabka ciidamada dalalka saaxiibka la ah, iyada oo door wax ku ool ah ka ciyaareysa nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamkaba


