Wednesday, June 17, 2026

Somalia oo ka qeyb gashay doorashooyinka hoggaanka Ururka Boostada Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macalin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si rasmi ah uga qaybgalay doorashooyinka hoggaanka Ururka Boostada Adduunka (UPU), kuwaas oo ka socda magaalada Dubai, halkaas oo uu ka furmay Shirweynaha 28-aad ee ururka caalamiga ah.

Doorashooyinku waxay udhexeeyeen jagooyinka ugu sarreeya ee hoggaamineed ee ururka boostada aduunka, kuwaas oo kala ah: Agaasimaha Guud, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud , Xubnaha Guddiga Fulinta Iyo Xubnaha Guddiga Hawlaha Boostada.

Kadib natiijada doorashada, Wasiir Maxamed Soomaali ayaa hambalyo u diray Mudane Masahiko Metoki, oo dib loogu doortay Agaasimaha Guud, iyo Mudane Marjan Osvald, oo markale loo doortay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud.

Ka-qaybgalka doorashooyinkan caalamiga ah waxa uu Soomaaliya uga dhigan yahay tallaabo istaraatiiji ah oo muhiim ah, taas oo xaqiijinaysa in codka iyo aragtida dalka ay qayb ka noqdaan go’aannada waaweyn ee lagu hago mustaqbalka adeegyada boostada caalamiga ah. Sidoo kale, waxa uu dalka u furaa fursado cusub oo istiraatiiji ah, kuwaas oo lagu horumarinayo adeegyada boostada gudaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles