Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay taariikhda si rasmi ah ula wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii la aasaasay golahan sanadkii 2003.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay kursigan muhiimka ah bishii February 2026, iyadoo ay hayn doonto muddo labo sano ah. Doorashadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa kalsoonida ay dalalka Afrika ku qabaan doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee arrimaha nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika, Cabdullaahi Warfaa, ayaa si rasmi ah calanka Soomaaliya uga taagay xarunta Golaha Nabadda iyo Amniga, isagoo muujiyay bilowga kaalinta cusub ee dalka.
Munaasabadda calan-taagga waxaa ku wehelinayay saraakiil iyo diblomaasiyiin ay ka mid yihiin u-qaybsanaha arrimaha ciidamada G/dhexe Xaabul, kuwaas oo goob joog ka ahaa dhacdadan taariikhiga ah.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid muhiim ah oo kor u qaadaysa sumcadda Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada nabad ilaalinta, xasilloonida iyo iskaashiga dalalka Afrika.
Kursigan ayaa Soomaaliya siinaya fursad ay si toos ah uga qayb qaadato go’aanada muhiimka ah ee khuseeya nabadda iyo amniga qaaradda Afrika, xilli dalka uu ka soo kabanayo caqabado amni iyo siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitamayay.


