Thursday, April 30, 2026

Taliban oo Mareykanka ku wareejisay saldhigiisii Bagram

Warar cusub oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee Khaama Press ayaa sheegaya in Mareykanka uu mar kale la wareegay saldhigga milatari ee Bagram, kaasoo ku yaalla waqooyiga caasimadda Kabul ee bariga Afghanistan.

Sida lagu sheegay warbixinta, Dowladda Taliban-ka ayaa codsaday in Mareykanka uu dib ugu soo laabto saldhiggaas, taasoo sababtay in diyaarado badan oo nooca C-17 ah ay toddobaadkii tegay yimaadaan halkaas, iyagoo sida qalab milatari, agab sirdoon, iyo shaqsiyaad muhiim ah sida Michael Ellis, oo ah Agaasimaha Ku-xigeenka CIA-da.

Inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin in ciidamada Mareykanka ay si buuxda dib ugu soo laabteen Afghanistan tan iyo bixitaankii 2021, xog laga helay raad-raacyada diyaaradaha ayaa muujinaya in diyaaradaha C-17 ee ciidamada cirka Mareykanka ay dhowaan ka dageen saldhigga Bagram.

Tallaabadan ayaa layaab ku noqotay dadka qaar, balse khubarada amniga iyo xeel-dheerayaasha istaraatijiyadeed ayaa xusay muhiimadda uu saldhigga Bagram u leeyahay Mareykanka, gaar ahaan haddii la eego suurto-galnimada uu gobolka u leeyahay duullaanno istaraatijiyadeed oo ka dhan ah dalalka Iran iyo Shiinaha.

Waxaa la isla dhexmarayaa in dhawaan la shaacin doono war rasmi ah oo lagu caddeynayo in Mareykanka uu dib ula wareegay saldhigga Bagram, iyadoo lagu wado in warkaasi la shaaciyo xitaa toddobaadkan gudihiisa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles