Saturday, June 13, 2026

Taliye Ciidan iyo askar kale oo ku geeriyooday dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Beledxaawo

Cidamada dowladda Federaalka ayaa la wareegay Gebi ahaan degaanada hoostaga degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, kadib dagaal culus oo xalay saqdii dhexe kadib ilaa saaka socday.

Ciidamada dowladda ee C/rashiid Janan hoggaamiyo ayaa weerar ku qaaday tuulada Bula-Amiin oo ay ku sugnaayeen ciidamada iyo saraakiisha taageersan Jubbaland.

Khasaare Xoog leh ayaa dagaalka ka dhashay, waxaana dhaawac soo gaaray u dhintay taliyihii Booliska Gobolka Gedo ee dhinaca Jubbaland Xuseen Cali Xaashi (Xuseen Giif) oo Gobolka caan ka ahaa.

Taliyaha ayaa ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Mandheera oo dhaawac halis ah loo geeyay. Sidoo kale waxaa laba ciidan soo gaaray dhimasho iyo dhaawac fara badan, iyagoo maxaabiis ahaan ciidamada dowladda u qabteen ciidamadii taageersanaa Axmed Madoobe.

Taliye Xuseen Giif ayaa dhinaca Jubaland u wareegay bishii June, kadib markii xilka laga qaaday, wuxuuna noqday sarkaalka ugu weyn ee kasoo jeeda dhinaca Jubbaland, wuxuuna qeyb ka ahaa dagaaladii soo noqnqoday ee ka dhacay Balad xaawo.

Taliyihii Booliska Gedo ee dowladda Federaalka Aadan Maxamed Siyaad Dhafoorey ayay wararku sheegayaan inuu isna dhaawac kasoo gaaray dagaalkii cuslaa ee saaka dhacay. Dhaawaciisa ayaa La filayaa in loo soo qaado magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee Baladxaawo ka Dhaca intii ay ku dagaalamayeen ciidamada kala taageersan dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.

Maamulka Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay gacan siineyso ciidamada Jubbaland oo ay halkaas gabaad ka dhigtaan markii laga saaro Gobolka Gedo, kadibna ay dib u soo abaabusho.

Qaar ka mida ciidamadii jubbaland ee saaka ka baxsaday dagaalka ayaa mar kale gudaha u galay xuduudka Kenya, gaar ahaan Xerada PP1 ee duleedka Mandheera.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay xaaladda, welina kama hadlin faragelinta ay Gobolka Gedo ka wadaan dalalka Itoobiya iyo Kenya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur galbeed oo soo saartay go’aano amni oo lagu sugayo Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Madaxweynaha Somaliland oo beri tagaya Israa’iil

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed...

Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab Ku Qaadday Saldhig Ku Yaalla Mandheera

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka hortagay weerar habeenimo oo...

FBI-da Oo Gacanta Ku Dhigtay Soomaali Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Ka Badan $4 Milyan

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay inay...

22 dal oo digniin wadajir ah u diray Iiraan`

Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles