Taliye Ciidan iyo askar kale oo ku geeriyooday dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Beledxaawo

Cidamada dowladda Federaalka ayaa la wareegay Gebi ahaan degaanada hoostaga degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, kadib dagaal culus oo xalay saqdii dhexe kadib ilaa saaka socday.

Ciidamada dowladda ee C/rashiid Janan hoggaamiyo ayaa weerar ku qaaday tuulada Bula-Amiin oo ay ku sugnaayeen ciidamada iyo saraakiisha taageersan Jubbaland.

Khasaare Xoog leh ayaa dagaalka ka dhashay, waxaana dhaawac soo gaaray u dhintay taliyihii Booliska Gobolka Gedo ee dhinaca Jubbaland Xuseen Cali Xaashi (Xuseen Giif) oo Gobolka caan ka ahaa.

Taliyaha ayaa ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Mandheera oo dhaawac halis ah loo geeyay. Sidoo kale waxaa laba ciidan soo gaaray dhimasho iyo dhaawac fara badan, iyagoo maxaabiis ahaan ciidamada dowladda u qabteen ciidamadii taageersanaa Axmed Madoobe.

Taliye Xuseen Giif ayaa dhinaca Jubaland u wareegay bishii June, kadib markii xilka laga qaaday, wuxuuna noqday sarkaalka ugu weyn ee kasoo jeeda dhinaca Jubbaland, wuxuuna qeyb ka ahaa dagaaladii soo noqnqoday ee ka dhacay Balad xaawo.

Taliyihii Booliska Gedo ee dowladda Federaalka Aadan Maxamed Siyaad Dhafoorey ayay wararku sheegayaan inuu isna dhaawac kasoo gaaray dagaalkii cuslaa ee saaka dhacay. Dhaawaciisa ayaa La filayaa in loo soo qaado magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee Baladxaawo ka Dhaca intii ay ku dagaalamayeen ciidamada kala taageersan dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.

Maamulka Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay gacan siineyso ciidamada Jubbaland oo ay halkaas gabaad ka dhigtaan markii laga saaro Gobolka Gedo, kadibna ay dib u soo abaabusho.

Qaar ka mida ciidamadii jubbaland ee saaka ka baxsaday dagaalka ayaa mar kale gudaha u galay xuduudka Kenya, gaar ahaan Xerada PP1 ee duleedka Mandheera.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay xaaladda, welina kama hadlin faragelinta ay Gobolka Gedo ka wadaan dalalka Itoobiya iyo Kenya.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles