Booliska Puntland oo dad u soo qabtay dil ka dhacay Garoowe

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Nugaal, ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah tan iyo markii xalay dhacay fal dil ah, kaasi oo ka dhacay aagga Naaso Hablood ee magaalada Garoowe.

Falkan ayaa sababay geerida Khadar Cabdi Yuusuf Nuur (Ina Caasho Sulub), oo 25 jir ahaa, isla markaana ahaa darawal mooto-bajaaj. Sida ay sheegayaan warbixinada hordhaca ah ee booliska, marxuumka waxaa dilay koox burcad ah oo ku hubaysnayd toorey, kuwaas oo falka kadib goobta ka baxsaday., sida lagu sheegay warka Booliska

Ciidanka booliska ayaa markiiba gaaray goobta, waxayna ku guuleysteen in ay soo qabtaan dad lagu tuhmayo kiiskan.

Waxaa socda baaritaan rasmi ah, waxaana boolisku caddeeyeen in faahfaahinta dhabta ah laga war sugi doono inta hawlgalka baarista uu socdo.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu mar kale adkeynayaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta amniga muwaadiniinta, qabashada eedeysanayaasha dambiyada, iyo in si degdeg ah loo horkeeno sharciga cid kasta oo ku lug leh falal amni-darro ah.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles