Gen Odawaa”Qof kasta oo qarankiisa khiyaaneeya, cadaaladda ayaa la hor keeni doonaa”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Odawaa Yuusuf Raagge, ayaa si adag uga hadlay ciqaabta ay mudan yihiin askar ama saraakiil ku kaca khiyaano qaran ama falal lid ku ah sharciga iyo sharafta ciidanka.

Hadalka Taliyaha ayaa yimid kaddib markii maanta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay xukun dil toogasho ah ku fulisay labo askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwaas oo lagu helay dambiga ah inay dileen Abaanduulihii Ururka 83-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ex-Dhamme Ceydiid Maxamed Cali. Dilka toogashada ayaa ka dhacay fagaaraha deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gen. Odawaa ayaa ku adkeeyay in aanay jiri doonin cid ka sarreysa sharciga, darajo ama xil uu doono ha lahaadee, isla markaana qof kasta oo ku kaca khiyaano qaran ama dil sharci-darro ah lagu horgeyn doono fagaaraha cadaaladda.

Taliyaha CXD ayaa xusay in ciidanku uu ku dhisan yahay nidaam, kala dambeyn iyo ilaalinta sharciyada dalka, isagoo shacabka ugu baaqay inay taageeraan ciidamada geesiyaasha ah ee naftooda u hura difaaca qaranka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles