Wednesday, June 24, 2026

DFS oo war ka soo saartay dagaalkii maanta ka dhacay Beledxaawo

Ciidanka Qaranka Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa saaka aroortii hore iska caabiyay weerar lagu qaaday fariisimahooda duleedka degmada Beledxaawo.

War ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in weerarka ay soo qaadeen maleeshiyaad uu hoggaaminayay Maxamuud Sayid Aadan. Ciidanka Qaranka ayaa ku guuleystay inay kala eryaan weeraryahannada, ayna qabtaan toban qof oo ka mid ah, iyadoo sidoo kale la sheegay in ciidamada ay la wareegeen goobihii weerarka laga soo abaabulay.

Intii uu socday iska caabinta weerarka, laba askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku geeriyooday — Laba-xiddigle Maxamed Xasan Guutaale iyo Dable Cali Muxumed Gooni — halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo hadda lagu dabiibayo xarumo caafimaad.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in xaaladda deegaanka ay hadda deggen tahay, islamarkaana ciidamada Qaranka ay sii wadaan hawlaha xaqiijinta amniga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in dadka deegaanka ay la shaqeeyaan ciidamada amniga si looga hortago fal kasta oo carqalad ku ah nabadda iyo midnimada dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles