DFS oo war ka soo saartay dagaalkii maanta ka dhacay Beledxaawo

Ciidanka Qaranka Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa saaka aroortii hore iska caabiyay weerar lagu qaaday fariisimahooda duleedka degmada Beledxaawo.

War ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in weerarka ay soo qaadeen maleeshiyaad uu hoggaaminayay Maxamuud Sayid Aadan. Ciidanka Qaranka ayaa ku guuleystay inay kala eryaan weeraryahannada, ayna qabtaan toban qof oo ka mid ah, iyadoo sidoo kale la sheegay in ciidamada ay la wareegeen goobihii weerarka laga soo abaabulay.

Intii uu socday iska caabinta weerarka, laba askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku geeriyooday — Laba-xiddigle Maxamed Xasan Guutaale iyo Dable Cali Muxumed Gooni — halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo hadda lagu dabiibayo xarumo caafimaad.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in xaaladda deegaanka ay hadda deggen tahay, islamarkaana ciidamada Qaranka ay sii wadaan hawlaha xaqiijinta amniga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in dadka deegaanka ay la shaqeeyaan ciidamada amniga si looga hortago fal kasta oo carqalad ku ah nabadda iyo midnimada dalka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles