Thursday, June 19, 2025

Trump oo ku dhawaaqay dagaal ganacsi oo ka dhan ah adduunka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa bilaabay dagaal ganacsi oo ka dhan ah adduunka, ka dib in ka badan laba bilood oo ay socotay qabanqaabada xafladda ku dhawaaqista canshuurahan.

Khudbad uu ka jeediyay Rose Garden ee Aqalka Cad, ayuu ku sheegay ,in taariikhda lagu xasuusan doono maalinta xorriyadda marka barwaaqadu ay dib ugu soo noqoto Ameerika.

Trump waxaa uu sheegay inuu canshuuro cusub ku soo rogayo badeecooyinka Mareykanka ka soo gala dalalka kale ee caalamka

Dhaqaalayahanada ayaa ka digay in arrintan ay saameyn ku yeelan karto guud ahaan hanaanka ganacsiga ee caalamka .

Khubarada dhaqaalaha ayaa ka digaya in noloshu ay hadda ku adkaan doonto qof walba, oo ay ku jiraan dadka Mareykanka ku nool, kuwaas oo bixin doona canshuuraha alaabaha dibedda laga soo dhoofiyo ee uu soo rogay Trump.

Trump wuxuu aaminsan yahay in xannibaadaha ganacsigu ay ku qasbi doonaan saaxiibbadiisa iyo cadawgaba in aanay le gelin heshiisyo, marka loo eego heshiisyo dhaqaale iyo kuwo dhulba.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Israa’iil oo dil ugu hanjabtay hoggaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei

Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in hoggaamiyaha sare ee...

DFS oo sheegtay in muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed laga soo qaaday dalka Iiran lana geeyay dalka Turkiga

Howlwadeennada Safaarada JFS ee wadanka Turkiga ayaa goor dhawayd...

Warmurtiyeed maanta laga saarayo shirka gogosha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho

Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha  Soomaaliya...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku weeraray deegaan hoostaga Ceelbuur

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in...

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil...

Puntland oo ka hortimid shirka ka socda Muqdisho iyo weerar afka ah oo ay ku qaadeen RW Xamsa

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta warbaahinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles