Wada-hadalladii u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee ugu socday magaalada Kismaayo ayaa waxay ku soo dhammaadeen natiijo la’aan kadib laba maalmood oo dood adag ah.
Labada dhinac ayaa isku mari waayay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin doorashadii Jubbaland ee November 2024 iyo ka qaybgalka Axmed Madoobe ee Golaha Wadatashiga Qaran.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay in dib loogu noqdo doorashadii Jubbaland, halka Axmed Madoobe uu si adag u diiday, isagoo sheegay in doorashadaasi ahayd mid sharci ah oo ay shacabka Jubbaland doorteen.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ay hadda ku wajahan yihiin magaalada Muqdisho, halka Nuuradiin Agaasimihii Sirdoonka Kenya, oo doorka dhexdhexaadinta ku lahaa kulanka, isna uu ka dhoofayo Kismaayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay ku balameen inay wadahadaladu sii socdaan oo markale ay is arkaan dhinacyada.
Xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland ayaa weli cakiran, iyadoo wadahadalladan fashilmay ay sii fogeeyeen xiriirka dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.


