Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah ugu magacaabay Mudane Maxamed Kaasim inuu noqdo Agaasimaha Ku-Xigeenka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed.
Magacaabistan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo hoggaanka iyo hufnaanta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyada oo diiradda la saarayo kor u qaadidda adeegyada ay hay’addu u qabato muwaadiniinta iyo ajaanibta dalka soo booqda ama deggen.
Wasiir Fartaag ayaa agaasimaha cusub kula dardaarmay inuu xilka u guto si hufan, masuuliyad leh iyo daacadnimo ku dhisan, isla markaana uu noqdo hormuud ka shaqeeya horumarinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada looga baahan yahay hay’adda.
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa mar kale xaqiijisay go’aankeeda ku aaddan xoojinta maamulka, sare u qaadidda hufnaanta shaqo, iyo dardargelinta adeegyada dowladeed, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo horumarka guud ee dalka.


