Tuesday, November 18, 2025

Wasiirka Maaliyadda oo guddoomiyay kulanka FGC

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka billaha ah ee guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda ee magaciisa loo soo gaabiyo #FGC, oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka  iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka ee wada-shaqeynta la leh Dowladda.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray horumarka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha, xoojinta nidaamka Maamul-Wanaagga Maaliyadda, casriyeynta hannaanka iibka qaranka iyo xoojinta hufnaanta Maamulka Maaliyadda oo dhammantoodba la isla gartay in ay u socdaan habkii ugu wanaagsanaa iyo dhabbihii guusha.

Wasiirka Maaliyadda DFS Md Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha guddiga Maalul-Wanaagga Maaliyadda ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay ku dhaqmidda nidaam ay ku dheehan tahay daah-furnaan iyada oo la raacayo habka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka.

Wasiirka ayaa  sidoo kale tilmaamay hannaanka isla xisaabtan ka iyo dowlad-Wanaaga in uu qeyb ka yahay kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya, isagoona xusay in horumar weyn laga gaaray kobcinta dhaqaalaha muddooyinkii ugu dambeeyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo u mahadceliyay dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

Madaxwaynaha Mareykanka Donold Trump ayaa uga mahadceliyay hogaamiyayaasha caalamka...

Xamaas oo diidday qorshaha Trump ee Qasa

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa soo dhaweeyay qaraarka golaha amniga...

RW Xamsa oo Guddoomiyey Shir Lagu Dardar-gelinayo Hawlaha Doorashooyinka Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka deegaanka oo khudbad ka jeediyey madasha sare ee dalalka Hay’adda cimilada QM (UNFCCC COP30)

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles