Wednesday, July 9, 2025

Weerar ku bilowday qaraxyo oo Al-shabaab ay ku qaadeen Awdheegle

Weerar ku bilowday qaraxyo ayaa saaka maleeshiyaadka Al-shabaab waxaa ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ay ku leeyihiin magaalada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalka uu qarxay marka laga soo baxay salaada subax, iyadoona weli dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socda magaalada Awdhiigle ee gobolka shabeelada Hoose.

Dhanka kale war lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha Afka Ciidamada xooga ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ka hortageen weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hoose,

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si geesinimo leh u fashiliyey isku day weerar oo ay maleeshiyaadka Khawaarijta ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.Maleeshiyaadka Khawaarijta oo weerarka ku soo qaaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa la kulmay iska caabin xooggan oo ay kala hortageen geesiyaasha Xoogga Dalka. Ciidamadu waxay si feejigan u ogaadeen dhagarta cadowga, iyagoo halkaasi ku gaarsiiyay jab culus, islamarkaana baacsanaya firxadka naf-la-caariga ah ee ka haray weerarka.” Ayaa lagu yiri qoraalka

Degmada Awdheegle  ayaa waxaa weli ka soconaya dagaalka u dhexeeya ciidamada xooga iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Maxay ka wadahadleen wasiir Fartaag iyo wafdiga Q.M.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi...

Fiqi oo beeniyay in DF ay ciidamo geynayso Sanaag

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu...

Ergooyin ka qeyb galaya shirka lagu dhameystirayo maamulka SSC Khaatuma oo ku wajahan Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta martigelin...

Ciidamada DFS iyo kuwa dadka deegaanka oo wada abaabul ay markale ku qabsanayaan Moqokori

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in...

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, Maxamed Cabduqaadir Cali,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles