Monday, June 8, 2026

Weerar ku bilowday qaraxyo oo Al-shabaab ay ku qaadeen Awdheegle

Weerar ku bilowday qaraxyo ayaa saaka maleeshiyaadka Al-shabaab waxaa ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ay ku leeyihiin magaalada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalka uu qarxay marka laga soo baxay salaada subax, iyadoona weli dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socda magaalada Awdhiigle ee gobolka shabeelada Hoose.

Dhanka kale war lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha Afka Ciidamada xooga ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ka hortageen weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hoose,

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si geesinimo leh u fashiliyey isku day weerar oo ay maleeshiyaadka Khawaarijta ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.Maleeshiyaadka Khawaarijta oo weerarka ku soo qaaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa la kulmay iska caabin xooggan oo ay kala hortageen geesiyaasha Xoogga Dalka. Ciidamadu waxay si feejigan u ogaadeen dhagarta cadowga, iyagoo halkaasi ku gaarsiiyay jab culus, islamarkaana baacsanaya firxadka naf-la-caariga ah ee ka haray weerarka.” Ayaa lagu yiri qoraalka

Degmada Awdheegle  ayaa waxaa weli ka soconaya dagaalka u dhexeeya ciidamada xooga iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran ayaa sheegtay in joojineyso weerarada

Iran ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd in la soo...

Xisbullah oo sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaaday ciidamada Israel ee jooga Lubnaan

Xisbullah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku duqeysay kolonyo...

Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer...

Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin...

Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil

Sida lagu daabacay warbixinta, qodobka ugu weyn ee safarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles