Wednesday, October 22, 2025

Xamaas oo sii deysay Maxaabiistii ugu horeysay iyo Trump oo goor dhow gaaray Telaviv

Xamaas ayaa sii daysay qeybtii ugu horeysay Maxaabiista Yahuudda oo ay ku wareejisay Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah.

7- ka mida Maxaabiista Yahuudda oo la sii daayay ayaa kusii jeeda Isrl, waxaana hadda socda qorshe ay qeybta labaad ee Maxaabiista Xammaas sii deysay lagu wareejinayo Laanqeynta Cas, iyadoo la filayo inta harsan oo ay ku jiraan Meydad in lasii daayo ilaa maanta.

Donald Trump ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Tel aviv, isagoo khudbad u jeedin doona Baarlamaanka Yahuudda ee loo yaqaan Kenneset, kadibna wuxuu Berri tegi doonaa dalka Masar, halkaas oo shir weyn uu kula yeelan doono Madaxda 20 dal oo ka mida Dalalka Carabta iyo Muslimiinta.

Dhinaca kale Isrl ayaa sii deyneysa ilaa 1966 Maxaabiis oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 250 oo xukunnaa Xabsi daa’iin, waxaana magaalada Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza ka socda xaflado lagu soo dhoweynayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza

Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza...

Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay...

Al-shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Xudur iyo xubno lagu dilay dagaalka

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku...

Dibadbaxayaal weeraray booliiska dalka Ireland

Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles