Saturday, March 22, 2025

Xildhibaanada Golaha shacabka oo akhrinta koowaad marsiiyay hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 6-aad kulankiisa afaraad.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 142-Xildhibaan ayaa Ajendihiisu waxa uu ahaa Hindise sharciyeedka shirkadaha Caymiska, Hindise Sharciyeedka Sharciga Hay’adaha Maaliyadda iyo Hindise Sharciyeedka Canshuuraha Dakhliga.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige ayaa ugu horeyn mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhriyay hindise sharciyeedyadan, waxa uuna sharaxaad ka bixiyay muhiimada ay u leeyihiin dhaqaalaha Qaranka iyo mideynta Canshuuraha dalka, isagoo xusay in ay kala soo tashadeen dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo qeybaha kale ee ay quseyso.

Maadaamaa sida uu qabo xeerhoosaadka Golaha Shacabka hindise sharciyeedka marka uu marayo Akhrinta koowaad uusan wax dood ah ka furneyn ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha waxa ay su’aalo ku saabsan ahmiyadda hindise sharciyeedyadan ay dalka u leeyihiin iyo saameynta miisaaniyadeed ee ay leeyihiin weydiiyeen wasiirka wasaaraddq maaliyadda oo uu wehliyay Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Dalka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa faray in hindise sharciyeedyadan lagu wareejiyo guddiyada ku shaqada leh si ay usoo diyaariyaan akhrinta labaad islamarkaana dib Golaha ugu soo celiyaan si looga doodo.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo degmada Cadala kula kulmay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 21/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

DFS oo soo dhaweysay guusha ay gaareen ciidamada Milatariga Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey guusha ay gaareen Ciidamada...

Taliye Sahal oo abaabul dagaal ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan...

NISA oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles