Xildhibaanada Golaha shacabka oo akhrinta koowaad marsiiyay hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 6-aad kulankiisa afaraad.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 142-Xildhibaan ayaa Ajendihiisu waxa uu ahaa Hindise sharciyeedka shirkadaha Caymiska, Hindise Sharciyeedka Sharciga Hay’adaha Maaliyadda iyo Hindise Sharciyeedka Canshuuraha Dakhliga.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige ayaa ugu horeyn mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhriyay hindise sharciyeedyadan, waxa uuna sharaxaad ka bixiyay muhiimada ay u leeyihiin dhaqaalaha Qaranka iyo mideynta Canshuuraha dalka, isagoo xusay in ay kala soo tashadeen dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo qeybaha kale ee ay quseyso.

Maadaamaa sida uu qabo xeerhoosaadka Golaha Shacabka hindise sharciyeedka marka uu marayo Akhrinta koowaad uusan wax dood ah ka furneyn ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha waxa ay su’aalo ku saabsan ahmiyadda hindise sharciyeedyadan ay dalka u leeyihiin iyo saameynta miisaaniyadeed ee ay leeyihiin weydiiyeen wasiirka wasaaraddq maaliyadda oo uu wehliyay Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Dalka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa faray in hindise sharciyeedyadan lagu wareejiyo guddiyada ku shaqada leh si ay usoo diyaariyaan akhrinta labaad islamarkaana dib Golaha ugu soo celiyaan si looga doodo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo ballanqaadday in dib loo dhisi doono buundada Baardheere

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay duleedka Afmadow

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta oo Qaahira ku shiraya

Waxaa maanta magaalada Qaahira ka furmaya shirka Wasiirrada Arrimaha...

Wada-hadallo lagu mideynayo mucaaradka oo u socda Deni, Farmaajo, Khayre, Cumar Cabdirashiid iyo CCW

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadallo hoose ay...

DFS oo raalligelin ka Bixisay dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles