Australia oo ku waabariisatay sharci cusub

Xayiraadda warbaahinta Baraha bulshada ee ugu horreysa adduunka ee dadka ka yar 16 sano ayaa ka dhaqan gashay Australia

Malaayiin caruur ah iyo dhalinyaro da’doodu ka yar tahay 16 sano ayaa luminaya akoonadooda baraha bulshada ee Australia ka dib markii mamnuucidii ugu horeysay ee aduunka ay dhaqan gashay.

Instagram, Facebook, Threads, X, Snapchat, Kick, Twitch, TikTok, Reddit iyo YouTube ayaa ka mid ah aaladaha laga doonayo in ay dhaqan geliyaan sharciga cusub.

Haddaba qormadan hoose ayaan ku eegeynaa sida uu sharcigani ku dhaqan gelayo iyo su;aasha ku saabsan: Ilmahaaga ma ka joojin kartaa isticmaalka baraha bulshada?

Gabadh lagu magacaabo Isobel, oo 13 jir ah ayey ku qaadatay, wax ka yar shan daqiiqo in ay hareer marto xayiraad cusub oo Australia ay qorsheysay inay ku soo rogto isticmaalka carruurta ee baraha bulshada.

Gabadha ayaa taleefankeeda ogeysiis ka heshay Snapchat, oo ka mid ah aaladaha la mamnuucay, iyadoo looga digayo in akoonkeeda laga tirtiri doono adeegga marka uu si toos ah u dhaqan galo toddobaadkan, ilaa ay ka caddeyso in d’adeedu ay ka weyn tahay lix iyo toban sano.

Isobel waxay tiri: “Waxaan keenay sawirka hooyaday oo aan hor dhigay kaamarada, nidaamkuna waxa uu ii ogolaaday inaan sii wado howsheyda, isagoo leh: ‘Waad ku mahadsan tahay inaad xaqiijisay da’daada.”

Waxa ay intaas ku dartay: “Waxaan maqlay in qof uu isticmaalay wejiga Beyonce (heesaaga).”

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ruushka oo duqeyn ba’an ka geystay geystay Zaporizhzhia

Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine ku weeraray...

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles