Wiil dhalinyaro oo lagu dilay Dhuusamareeb iyo ciidanka oo howlgal wada

Koox hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa xalay gudaha magaalada Dhuusamareeb ku dishay wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Nuur Aadan Guunbe.

Falkaan dilka ah ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafadda Dayax ee magaalada, Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Kooxdii geysatay dilka ayaa markiiba ka baxsatay goobta, iyaga oo aan wax iska caabin ah la kulmin.

Ciidamada ammaanka ee Dhuusamareeb ayaa markiiba gaaray Xaafadda Dayax, waxayna isla goobta ka bilaabeen baaritaano xooggan iyo howlgalo lagu raadinayo kooxdii ka dambeysay falkaasi.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli habeenadii u dambeeyey si weyn loo dareemayey in amniga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb uu sii xumaanayey, waxaana jiray cabsi weyn oo laga qabay kororka falalka joogtada ah ee amni-darrada.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidamada ammaanka ee Galmudug oo ku saabsan in gacanta lagu soo dhigay dadkii ka dambeeyay dilka Nuur Aadan Guunbe

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles