Tuesday, February 24, 2026

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo maanta hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 21-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa dhameystirka dooda akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha ay aragtiyadooda ka dhiibteen qodobada hindise sharciyeedka iyaga oo ku saleynaya mabaadii’da guud ee hindise sharciyeedka, maadaama uu marayey akhrinta koowaad, sida uu qabo Xeerhoosaadka Golaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka inuu soo diyaariyo akhrintiisa labaad dibna golaha ugu soo celiyo si looga doodo.

Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Dhisida Hay’adda Adeega Saadaasha Hawada iyo Cimilada Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka Sharciga Dhisidda Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka, Hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dheddiga iyo Axdiga Xakameynta Tubaakada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Axmed Madoobe oo tagay Muqdisho, kuna laabtay Kismaayo Kadib Burburka Wadahadalladii

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa maanta ka...

Golaha Mustaqbalka oo shaaciyay inuu burburay wadaxaajoodkii ay kula jireen MW Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay...

Mareykanka oo ku baaqay in heshiis ay gaaraan DF iyo mucaaradka

War ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa...

DFS oo cambaareysay dad lagu dilay Nigeria

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarro...

MW Xasan Sheekh oo ergo u dirsaday Mucaaradka

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka mid...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles