Dil toogasho ah oo lagu fuliyay Askari qof Shacab ah u dilay labo doolar

Maamulka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta dil toogasho ku fuliyey askari ka tirsanaa ciidanka booliska gaarka ah ee KGS, kadib markii lagu helay dilka nin shacab ah oo musaafir ahaa, kaas oo uu u dilay lacag dhan laba doolar ($2).

Askari oo lagu magacaabi jiray Cabdisamad Xasan Madnuur, oo ka tirsanaa Booliska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed, ayaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii Xeer-ilaalinta ay ku soo eedeysay dilka marxuum Cabdiwahaab Cabdiraxmaan Yuusuf. Xukunkaas ayaa maanta laga fuliyey xadka qisaasta ah.

Dilkan ayaa ka dhacay degmada Berdaale ee gobolka Baay dhammaadkii bishii Nofeembar 2025, kaddib muran lacageed oo u dhexeeyay eedeysanaha iyo marxuumka, kaas oo ku saabsanaa lacag dhan $2, kuna dhammaaday gacan-ka-hadal sababay in askarigu toogasho ku dilo ninka musaafirka ahaa.

Goobta dilka toogashada oo ah Tiirka Cadaaladda ee duleedka degmada Baydhabo, gaar ahaan deegaanka Fuulka Cali Deer, ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, saraakiil ciidan, iyo ehelada marxuumka.

Wasiirka Amniga Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir, ayaa munaasabadda ka sheegay in xukunkaasi uu fariin cad u dirayo ciidamada, isagoo ugu baaqay in hubka ay u adeegsadaan la dagaallanka cadowga, isla markaana aysan ku xadgudbin shacabka ay u dhaarteen ilaalintooda.

Dhanka kale, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad ayaa sidoo kale xukun laba sano oo xabsi ciidan ah ku riday Salaad Ibraahim Xuseen (Salaad Yare), kadib markii lagu helay inuu ku lug lahaa falal burcadnimo oo sababay dil iyo dhaawac shacab ah, kuwaas oo ka dhacay waddada isku xirta gobollada Baay iyo Gedo.

WARARKII KALE

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

Maraykanka oo Eritrea ka qaaday Cunaqabateyntii saarneed

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in cunaqabatayntii...

Madaxweynaha Masar iyo Madaxa CIA da amniga Soomaaliya iyo Masar oo taageero u muujisay Soomaaliya

Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Siisi, ayaa sheegay in dalkiisu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles