UK oo cunaqabateyn saartay taliye RSF

Taliye ka tirsan ciidamada RSF oo kaalintii uu ka qaatay xasuuqii el-Fasher ay warbaahinta soo bandhigtay ayey dowladda UK saartay cunaqabateyn.

Janaraal Al-Fateh Abdullah Idris oo sidoo kale loo yaqlaan Abu Lulu ayaa waxaa laga duubay muuqaal isagoo tooganaya ugu yaraan 10 la hayste oo aan hubeysneyn kaddib markii ciidamada RSF ay qabsadeen magaalada bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Kumanyaal qof ayaa la rumeysan yahay in ay dileen ciidamada RSF kaddib markii militeriga Sudan ay ka baxeen el-Fashar.

Xoghayaha arrimaha dibadda UK, Yvette Cooper, ayaa sheegtay in tacadiyada ka dhcaya Sudan ay noqdeen “boog ku taal adduunka”, waxaana loo baahan yahay in loo ciqaabo kuwa ka dambeeyay.

Dowaldda UK waxay cunaqabateyn saartay saddex taliye oo ka tirsan RSF, waxaana ka mid ah saraakiishaas taliye ku xigeenka ciidamada Abdul Rahim Hamdan Dagalo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles