Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhiga Dharkenley, ayaa gacanta ku dhigay eedaysane D/le Xusen Idow Cabdu Laahi, kaas oo lagu soo qabtay fal khal-khal-galin amni ah, oo uu ka sameeyay goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah isagoo xabdo ka dhex furay, sida lagu sheegay warka ka soo baxay Booliska.
Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in eedaysnaha uu hadda ku jira gacanta ciidanka Booliska, waxayna sheegeen in loo gudbin doonaa Maxkamadda ku shaqada leh.
Qoraalka Booliska ayaa sidoo kale lagu wargaliyay dhammaan Ciidamada Qalabka sida in ay ku ekaadaan Goobahooda shaqo inta Doorashada ka dhamaaneyso.
Maalin ka hor ayaa Booliska Soomaaliya waxaa ay soo xireen 11 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo la sheegay in hub sharci darro ah ay ku dhex wateen caasimada Muqdisho.


