Wednesday, July 8, 2026

Kenya oo ka hadashay dil Gaarisa loo geystay muwaadin Soomaaliyeed

Taliyaha Booliiska Ismaamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya Amos Ambasa oo maanta warbaahinta gudaha la hadlay ayaa iska fogeeyey in ay ku lug lahaayeen dilka Axmed Sheekh Cumar oo lagu toogtay magaaladaasi habeennimadii Axadda.

Axmed oo ahaa darawal taksi ayaa dadka deegaanka iyo elladiisuba ay sheegayaan in dhimashiisu ay keentay rasaas ay fureen askar kamid ah ciidamo sida kuwa ka jawaabidda rabshadaaha degdegga ah (RPU) oo saldhig ku leh deegaanka Modhikaarey.

Hoggaamiyeyaasha magaalada ayaa Isniintii ka dalbaday booliiska “in si degdeg ah loo soo xiro lana maxkamadeeyo askartii ku lugta lahayd dilka, iyaga oo sheegay in marxuumka ay xabbad madaxa kaga taallay, iyaga oo tilmaamy in booliisku uu u diiwaangeliyay shil gaari, waxa ayna sheegeen in ay jireen dhaawacyo cadcad oo rasaas ah oo ka muuqday madaxa marxuumka.”

Axmed oo da’diisa lagu sheegay 25 sano ayaa kamid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon magalada, mana aha dhacdadii ugu horreesay oo dil ah.

“Nin aad loo jeclahay oo muxtram ayaa meesha ku geeriyooday Allah u naxariitso’ isaga kaligiisna maaha waxyaabo badan oo isku tag gayna waa jiraan, wiil kale oo ciidan ahaa ayaa waxaa la leeyahay sida uu warka nagu soo gaarayo ayaa ku dhintay meel Gaarisa ka tirsan oo Dhamajaaley ah, isagana wali lama hubsan”, ayuu yiri Xildhibaan Faarax.

Taliye Amos Ambasa ayaa sheegay in habeennimadii Axadda saqdii dhexe, gaariga uu marxuumku waday markii uu arkay askarta uu si dedeg ah waddada uga leexday, taasina ay sababtay shilka gaariga, kadibna askartu ay bilaabeen daba-gal si ay u ogaadaan cidda saarneyd gaariga.

“Qiyaastii 150 mitir kadib, waxay ogaadeen in gaarigu galay shil iskiis u dhacay, kaas oo darawalku si xun ugu dhaawacmay, uuna u dhintay dhaawacaas, waxay sidoo kale ciidanku heleen laba wiil oo da’doodu ku dhowdahay 15 sano, kuwaas oo la wareystay,” ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha booliska ayaa sheegay in shilka kadib ay arrinta la wareegeen booliska taraafikada, kuwaas oo goobta yimid oo baaray, ka hor inta aan meydka loo qaadin qaboojiyaha isbitaalka Gaarisa si baaritaan loogu sameeyo.

WARARKII KALE

Trump oo ku dhawaaqay in heshiiskii Mareykanka iyo Iiraan uu burburay

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in...

Cali Balcad oo ka hadlay xayiraadda fiisaha Midowga Yurub: “Arrintu kuma xirna eVisa-da Soomaaliya”

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali...

Booliska Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay nin ku eedeysan Burcadnimo hubeysan

Ciidanka Saldhigga Booliska Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay eedeysane...

DF iyo Mucaaradka oo maanta markale isugu laabanaya wada-hadallada doorashooyinka

Waxaa saaka magaalada Muqdisho markale kulan ku yeelanaya guddiyada...

Masar oo si adag u cambaareysay weerarrada Iran ku qaaday Kuwait iyo Bahrain

Dowladda Masar ayaa si kulul u cambaareysay weerarrada ay...

Soomaali ku xiran Hindiya oo qirtay dambiyo burcad-badeednimo

Maxkamad ku taalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles