Wednesday, December 24, 2025

Booliska oo soo bandhigay ciidamadii sugi lahaa doorashada

Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay ciidamo tiro badan oo ka qeyb qaadanaya sugidda amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, taas oo lagu wado inay berri qabsoonto, kuna beegan 25-ka bisha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, oo uu wehliyo Taliye ku-xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi, ayaa kormeeray ciidamo loo asteeyay sugidda amniga doorashada, kuwaas oo loo kala diray fariisimaha horey loo qorsheeyay inay ka howlgalaan.

Taliyaha ayaa saraakiisha iyo ciidamada ku boorriyay inay waajibaadkooda u gutaan si hufan, mas’uuliyad leh, isla markaana ay mudnaan siiyaan danta dalka, dadka iyo amniga guud.

Waxa uu si gaar ah u faray in la daryeelo muwaadiniinta ka midka ah waayeelka, dadka naafada ah iyo hooyooyinka, si ay codkooda ugu dhiibtaan si nabad ah oo habsami leh.

booliska Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay qaadi doonaan tallaabooyin amni oo dhammeystiran, si loo xaqiijiyo in doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ay ku dhacdo jawi amni iyo kala dambeyn leh, islamarkaana muwaadiniintu u gutaan waajibaadkooda codbixineed iyaga oo aan cabsi qabin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay ahmiyadda doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasaaradda arrimaha gudaha oo bogaadisay doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku...

Kenya oo ka hadashay dil Gaarisa loo geystay muwaadin Soomaaliyeed

Taliyaha Booliiska Ismaamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya...

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay askari ka tirsan Ciidanka DF

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhiga Dharkenley, ayaa gacanta...

DFS oo bilowday in ay ciidamo dhigto wadooyinka Muqdisho, si loo sugo ammaanka doorashooyinka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta billowday daabulidda ciidamo isugu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles