Thursday, June 25, 2026

Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo lagu qarxiyay duleedka Ceeldheer

Gaari leyla ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah ayaa xalay miino kula kacday duleedka degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa sababay Dhimasho iyo dhaawac, waxaana la sheegay in halkaasi ay ku geeriyoodeen darawalkii gaariga iyo 7  qof oo shacab ah oo rakaab la socday.

Goobjoogayal ayaa sheegay in Gaariga safarka ahaa ee u socday degmada Ceeldheer ee miinadu kula kacday deegaanka lagu magacaabo Sarta Magad.

Gaari-ka ayaa marayay waddo caadi ah xilli habeen ah, waxaana la xaqiijiyay in miinada ay ahaayeen kuwo ay dhigeen Kooxda  Al-Shabaab, kuwaas oo si joogto ah u beegsada dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Laamaha amniga ayaa gaaray goobta, waxayna bilaabeen baaritaanno ku saabsan dhacdadaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles