Hoggaamiyihii dalka Venezyele Nicolas Maduro iyo xaaskiisa ayaa la geeyay dhismaha maxkamada Manhattan, halkaasoo maanta galinka dambe lagu akhrin doono liiska eedeymaha loo haysto.
Waxaana la shaaciyay sawirada iyo muuqaalada Maduro iyo xaaskiisa oo marka loo sii waday Maxkamada New York.
Waxaa garabkiisa socday oo sidoo kale qof u muuqda inuu xaaskiisa yahay oo ay galbinayaan hay’adaha sharciga, waxaana gelbinayay dhawr ka mid ah cidaamada la dagaallanka Maandooriyaha (DEA).


