DFS oo sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabaab lagu dilay Gedo

Ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay, inay howlgal qorsheysan ka fuliyeen aagga Ceel Cilaan, oo qiyaastii 30 kilomitir dhanka bari ka xigta degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen, in howlgalka lala beegsaday kooxda Al-Shabaab oo sida ay sheegeen dhibaatooyin ku hayay dadka deegaankaas.

Intii uu howlgalka socday, waxaa la sheegay in la dilay shan ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana la burburiyay guud ahaan joogitaanka kooxda ee aagaas, sida ay ku soo warrameen ciidamada dowladda.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ahaa dedaallada ciidamada dowladda ee sugidda amniga, iyadoo yoolku yahay ilaalinta nolosha iyo hantida shacabka.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles