RW Xamsa oo Laascaanood kulan kula qaatay odayaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid ahaa wufuudda kala duwan ee booqasho ku yimid caasimadda Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, si ay uga qeybgalaan munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka cusub ee maamulkaasi. Odayaashan ayaa ka kala deegaanada Puntland, Jubbaland, Dowlad Deegaanka iyo Waqooyi Bari.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey bahda dhaqanka, kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen nabadeynta beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan xallinta colaadaha ka jiray deegaanno kala duwan, isaga oo xusay doorka shariifka ah ee ay ku leeyihiin adkaynta wada-noolaanshaha, midnimada iyo nabadda ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasare Xamsa Cabdi Barre, ayaa adkeeyey in odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka Soomaaliyeed ay ka saaran tahay masuuliyad diini ah iyo mid dastuuri ah oo ku saabsan ilaalinta nabadda, midnimada qaranka iyo xal u helidda khilaafaadka ka dhasha colaadaha ku saleysan qabaa’ilka, isaga oo bogaadiyey dadaallada ay wadeen muddadii u dambeysay ee ku aaddan dhexdhexaadinta, isu-soo dhowaanshaha bulshada iyo xoojinta wada-noolaanshaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa kula dardaarmay bahda dhaqanka in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed, iyaga oo gacan ka geysanaya dhismaha, tayeynta iyo hirgelinta maamulka curdinka ah ee Waqooyi Bari Soomaaliya, si loo helo dowladnimo ku dhisan nabad, caddaalad iyo wadajir.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles