Wednesday, January 28, 2026

Buuq iyo sawaxan ka taagan Xarunta Golaha Shacabka

Waxaa maanta buuq iyo sawaxan xooggan uu ka taagan xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, xilli xildhibaanada labada aqal la horgeynayo hindise wax-ka-beddel lagu sameynayo shan cutub oo cusub oo ka mid ah Dastuurka KMG ah.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa deg deg u gaaray xarunta Baarlamaanka, iyagoo la wareegay masraxa, kuna muujinaya diidmo adag oo ay ka qabaan sii wadista wax-ka-beddelka Dastuurka.

Xildhibaano watay firinbi ayaa buuq ka abuuray hoolka, taasoo oo muuqato inay ku soo bandhigayaan awoodooda.

Sidoo kale, xildhibaanada mucaaradka ayaa qaaday heesta Calanka Qaranka, taasoo beddeshay jawigii hoolka, una muuqatay farriin ay ku muujinayaan midnimo iyo mowqifkooda siyaasadeed.

Dhanka kale, waxaa weli maqan guddoonka Baarlamaanka, taasoo sii murjisay xaaladda, isla markaana keentay in kulanka uu dib u dhac ku yimaado.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana la sugayaa sida ay u wajahaan guddoonka iyo madaxda Baarlamaanka, si loo xakameeyo buuqa loona sii wado howlaha sharci-dejinta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donland Trump ayaa bartiisa Truth Social...

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa...

Fadhigii BFS oo Buuq ku soo xirmay iyo Mucaaradka oo ka hortagay qorshaha Dastuurka

Fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka...

Jubbaland iyo Puntland oo ka Horyimid wax ka beddelka Dastuurka Federaalka

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa...

Trump oo markii ugu horeysay muujiyay in la dejinayo xiisadda Minnesota

Madaxweynaha Donald Trump ayaa sheegay in maamulkiisu uu “yarayn...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles