Monday, June 29, 2026

RW Xamsa oo xalay kulan la qaatay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Durmuş Ünüvar, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dekadaha, gaadiidka badda, amniga iyo tamarta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay joogteynta iyo ballaarinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal, isaga oo xusay doorka muuqda ee dowladda Turkiga ka qaadatay dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Durmuş Ünüvar, ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Dowladda Soomaaliya soo-dhaweynta diirran, isaga oo tilmaamay sida ay dowladda Turkiga uga go’an tahay dardar-gelinta heshiisyada wadajirka ah iyo mashaariicda horumarineed ee kor u qaadaya kobaca dhaqaale iyo ganacsi ee labada dal.

Kulanka oo uu qeyb ka ahaa Safiirka Dowlada Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Amb. Alper Aktaş ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, lagu guddoonsiiyey hadyad qiimo badan oo ay ku qoran yihiin Aayadaha qur’aanka Kariimka ah.

Raiisul Wasaaraha JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka mahadceliyay taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Turkiga ay la garab taaganyihiin bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan waqtiyadii kala duwanaa ee dowladaha shisheeye ay soo fara-geliyeen midnimada Jamhuuriyadda Soomaliya.

WARARKII KALE

RW Xamse“Muqdisho Hub Laguma Dhex Sito”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in...

Kenya oo Faahfaahin Ka Bixisay Sababta Loo Masaafuriyay RW Ku-xigeenka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid

Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha loo...

Taliyaha Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga oo la filayo inuu gaaro Garoowe

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha cusub ee...

Ciidamada Qalabka Sida oo Dhoollatusyo u Diyaarinaya Xuska 1-da Luulyo

Magaalada Muqdisho iyo gobollo ka tirsan dalka ayaa waxaa...

Pakistan oo weerar ku qaaday Afghanistan

Pakistan ayaa sheegtay inay qaaday duqeymo cirka ah iyo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles