Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo MW Xasan Sheekh ugu digay in BF ku caddaadiyo meelmarinta Dastuurka

Goluhu wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, inuu cadaadis ku saarayo xildhibaanada Baarlamaanka si loo ansixiyo wax-ka-beddelka dastuurka, arrintaas oo ay ku tilmaameen mas’uuliyad-darro siyaasadeed.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay dhacdadii maanta ka dhacday Golaha Shacabka, iyagoo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu cadaadis ku saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), si loo fuliyo wax-ka-beddel aan heshiis lagu ahayn, gaar ahaan cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in tallaabooyinka noocan ah ay dhaawacayaan kalsoonida shacabka iyo nidaamka dowladnimo, isla markaana ay sii hurin karaan khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qeybgalka wada-hadallo sharci ah oo lagu xallinayo khilaafka dastuurka, iyagoo ku baaqay in la joojiyo dhammaan wax-ka-beddellada aan loo marin hannaan waafaqsan sharciga iyo dastuurka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu cod dheer ku sheegay inuu si buuxda uga soo horjeedo wax-ka-beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurkii lagu heshiiyay, wuxuuna ugu baaqay dowladda, Baarlamaanka, iyo dhammaan saamileyda siyaasadeed in la ilaaliyo dastuurka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles