MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bilaabay booqasho rasmi ah oo uu ku tagay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa.

Booqashadan ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyo sare u qaadidda iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo siyaasadda, xilli ay gobolka Geeska Afrika ka socdaan isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah.

Inta uu ku sugan yahay Qaahira, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan muhiim ah la qaadan doona dhiggiisa dalka Masar, Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi, waxaana ay ka wadahadli doonaan sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagula tacaalayo caqabadaha amni ee ka jira gobolka, looguna xoojin lahaa ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa hirgelinta heshiisyadii difaac ee horay u dhex maray labada dal, iyo doorka dowladda Masar ee ku aaddan taageerada iyo tababarka Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilligan lagu jiro kala guurka howlgalada nabad-ilaalinta.

Booqashadan ayaa muujinaysa sida ay Soomaaliya iyo Masar uga go’an tahay dhisidda isbahaysi xooggan oo ku dhisan danaha wadajirka ah, iyadoo dowladda Masar ay marar badan ku celisay inay si buuxda u garab taagan tahay midnimada, madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles