Diyaarad ku dhacday garoonka Muqdisho

Diyaarad kuwa rayidka ah ayaa waxaa ay ku dhacday garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayal ah.

Maareyaha hay’dda duulista rayidka soomaaliyeed Axmed Macalin oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in diyaaradda oo ka kacday garoonka Aadan Cabdulle ay ku socotay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxaa uu intaa ku daray in wax yar uun ka dib markii ay ka kacday garoonka ay duuliyayaasha diyaaradda soo sheegeen in cilad qabsatay, dibna uga soo laabanayaan garoonka.

Diyaaradda ayaa markii ay cagaha dhigatay dhabbaha diyaaraduhu ku ordaan ka baxday dhabbaha kadibna ku dhacdy badda.Illaa 50 qof oo rakaab ah ayaa saarnaa diyaaradda, waxana illaa hadda socda gurmadka lagu badbaadinayo dadka saaran diyaaradda.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles